Friday, June 3, 2011

Fadeexad Caalami ah oo Qabsatay Shaqsiyaad Sheeganaya in ay Dowladda Sooomaaliya ku Matalayaan Shirka QM ee ka socda Switzerlan







Waxaa maalintii shalay aheyd si xoog leh usoo ifbaxay fadeexad caalami ah kadib markii shaqsiyaad sheeganaya in ay dowladda Soomaaliyeed ku matalayaan shirweynaha 100aad ee hay’adda QM u qaabilsan Shaqada ee loo yaqaan ILO ay gaareen magaalada shirka uu ka dhacayo ee Geneva ee dalka Switzerland.


Fadeexadan oo ay si xoog leh u hadal hayaan inta badan ergada kor u dhaafaysa 600 ee ka kala socota dalalka xubnaha ka ah QM ayaa waxaa ay banaanka timid markii labo shaqsi oo sheeganaya magaca dowladda Soomaaliya ay tageen xafiiska laga qaato kaararka aqoonsiga ee ergada shirka ayna sheegteen in ay matalayaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaanna ay ka socdaan Wasaarada Shaqada, Dhalinyarada, Isboortiga iyo Arrimaha bulshada ee dowladda KMG.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Hiiraan Online in Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda KMG C/nuur Macalin Max’uud uu ku wargeliyay ururka shaqada adduunka ee ILO in nin la yiraahdo C/Rashiid Salaad Cabdulle oo hogaaminaya koox asaga oo adeegsanaya magaca dowladda FKMG, gaar ahaan magaca wasaarada, in ay kusii jeedaan Geneva si ay ugu qeyb galaan shirka ILO-da.

Horaantii bisha May ayaa ururka ILO waxaa loosoo gudbiyay liis la sheegay in ay dalka Soomaaliya ku matali doonaan kulanka 100aad ee ILO balse waxaa la xaqiijiyay in dadka ku qoran in ay Soomaaliya matalayaan aanan lagala tashan ama aysan wax ogolaansho ah ka heysan hogaanka sare ee Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda KMG iyo Safaarada Soomaaliya ee QM ee Geneva.

Bogga Internetka ee hay'adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO ayaa lagu soo bandhigay magacyada iyo xilalka ay hayaan shaqsiyaadka ku xusan bogga:


Waxaa is waydiin leh, ma dhabaa shaqsiyaadkan in ay u shaqeeyaan dowladda Soomaaliya ama run ahaantii hayaan xilalka la sheegay ee ku qoran bogga ILO:

Government Delegates

ABDILLE, Abdirashid, Mr, Technical Advisor, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports.
Adviser and substitute delegate
ABDULLAHI, Ali Sheikh, Mr, Deputy Minister, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports.

Advisers
AHMED, Mohamud Ali, Mr, Industrial Relations Officer, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports
MOHAMUD, Zahra Mohamed, Ms, Planning Officer, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports.

Employers' Delegate

SHEIKH YUSSUF, Abdullah Abdinur, Mr, Secretary, Somali Chamber of Commerce and Industry.

Adviser and substitute delegate
HASSAN, Abdullah Ali, Mr, Member Executive Committee, Somali Chamber of Commerce and
Industry

Workers' Delegate

ELMI, Abdirizak Moalin, Mr, Chairperson, Somali Federation of Trade Unions

Adviser and substitute delegate
SHIRE, Abdinasir Mohamed, Mr, Member, Executive Committee, Somali Federation Trade Unions

Adviser
IBRAHIM, Ali Farah, Mr, Technical Adviser, Somali Federation Trade Unions.

Shaqsiyaad warkooda lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in dad sheeganaya in ay matalayaan Soomaaliya balse aan dhab ahaantii wakiil aan ka aheyn Soomaaliya la keeni jiray dalka Switzerland si ay ugu qeyb galaan shirarka ILO ee sanadkiiba mar la qabto tan iyo markii dowladda FKMG la dhisay.

Fadeexadan ayaa keentay in Ururada Shaqaalaha ee ka qeyb galaya shirka ILO ay dacwad ka dhan ah shaqsiyaadkan iyo dowladda Soomaaliya ay u gudbiyaan shirka 100aad taasoo suurta gal ah in warqadaha aqoonsiga in lagala laabto shaqsiyaadka la sheegay in ay matalayaan dowladda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa haddii aysan dowaldda FKMG tilaabo deg deg ka qaadin waxaa ay keeneysaa in ay cadeyn u noqoto eedeymihii hadda ka hor QM usoo jeedisay mas’uuliyiin sare oo dowladda FKMG ka tirsan in magaca dowladda ay ku qaataan fiisooyin lagu iibsado si sharci daro ah.

Wixii warbixin oo fadeexaddan ku soo kordho dib ayaan idiin ku soo sheegidoonaa.

Shirkadda Caalamiga Ah Ee Coca-Cola, Oo Ku Maalgalisay 10 Milyan Oo Dollar Warshad Uu Leeyahay Ganacsadaha Caanka Ah Ee Axmed Cismaan Geelle Arap Oo Hargeysa Laga Furayo










Shirkadda caalamiga ah ee ugu weyn dunida ee saarta sharaabka la cabo ee kookaha ee Coca-Cola Co., ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa ay ka dhisayso warshad casri ah oo saarta Kookaha oo ku maalgelisay


Shirkadda caalamiga ah ee ugu weyn dunida ee saarta sharaabka la cabo ee kookaha ee Coca-Cola Co., ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa ay ka dhisayso warshad casri ah oo saarta Kookaha oo ku maalgelisay lacag tiradeeda lagu qadaray Toban Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, (10 million dollars) sidaana waxa ka dhawaajiyay Mr Ndema Rukandema, oo ah Madaxa guud ee shirkadan caalamiga ah u qaabilsan heshiisyadda bariga iyo badhtamaha Afrika oo u waramayay warbaahinta.


Dhismaha hawlgelinta wax soo saarka Warshadan sharaabka oo ruqsad sharci ah lagu siisay Ganacsadaha reer Djibouti (Somalilander) ee caanka ah ee Ahmed Osman Geelle Arap, ayaa la filayaa in ay warshaddu wax soo saarkeeda bilawdo dabayaaqadda bisha September.

Ndema Rukandema, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ka go”day Labaatan sano ka hor dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya, markii ay burburtay dawladii kali taliyaha ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, in ay ka jirto nabadgelyo buuxda iyo horumar baaxad leh, oo u suurta geliyay in kobaca dhaqaalahu uu si xawli ah u hano qaado, oo lagu sameeyo maalgashi shisheeye.

Masuulkan sare ee u hadlay shirkadda caalamiga ah ee Coca Cola Co, waxa xusay in inkasta oo aanay Somaliland weli ictiraaf rasmi ah ka helin beesha caalamka in ay ku naaloonayso xasilooni iyo badhaadhe, halka dalka Soomaaliya intiisa kale ay ka socdaan dagaalo iyo dilal aad u badani.

 
Maalgelinta heshiiska shirkadan Coca-Cola ay gashay ayaa qayb ka ah suuqyadda xorta ah ee ku tiirsan yahay dhaqaalaha Somaliland, oo u badan lacagaha ay xawaaladaha ugu soo diraan qoysaskooda dadka qurba jooga ah ee u dhashay Somaliland ee dibadaha ku nool, iyo weliba faa”idada laga helo xoolaha nool sida geella, lo”adda iyo adhiga ee loo dhoofiyo dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga afrika, kuwaas oo lagu soo badasho badidooda sharaabka ay dadku cabaan, waxaanu sheegay sarkaalkan u hadlay Shirkadani in ay taasi tahay sababta ay ka duulayaan.

Mas”uulku waxa kale oo intaa ku daray in ay Somaliland u qalanto maalgashi dibadeed oo kan la mid ah oo lagu sameeyo, waxaanu tibaaxay in maalgalinta warshadan oo laga furi lahaa magaaladda Muqdishu ay suurta geli weyday, dagaalada culculus ee ka socda awgeed oo suurta gelin waayay in ay lagu sameeyo maalgelin la mid ah tan hada ay shirkadu ka fulinayso Jamhuuriyadda Somaliland oo si weyn uga horumarsan uguna nabdoon Soomaaliya inteeda kale, shirkadan ayaa Wararku ay sheegayaan in Wax soosarkeeda loodhoofin doono Dalal badan sida Afrikada Bari.

War Saxaafadeed ku saabsan Xasuuqii 02 june ka dhacay magaalada muqdihso


Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaraya Shacabka Reer Muqdihso ayaa waxaa soo baxaya warar aan sal iyo raad lahayn oo laga sii daynayo Warbaahinta Qaranka Gaar ahaan Radio Muqdisho oo ku hadla Codka Dowlada
War saxaafadeedkaan ku wajahan Dhibaatada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa Reer Muqdisho ayaa waxa uu hayay mid muujinaya dhibaatada dhabta ah ee ka jirta Muqdisho

Waxaa maalintii shalay ahayd ee ay taariikhdu ku beegnayd 02 bisha June 2011 Madaafiic aan loo meel dayin ku habsadeen Dad soomaaliyeed oo ku sugnaa Maqaayada HOGOL EE ku taala Ex-Kontrool Balcad .

Waxaana dhacdadaas naxdinta leh ku geeryooday Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan iyoadoo kuwa kalena dhawacyo ka soo gaareen

Hadaba dadka ku Nafwaayey dhacdadaas ayaa waxaa ka mid ah Allaha u Naxariistee Marxuum Engineer Xaashi Xirsi Maalin (Laba-Jir)oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobtaasi

Dhacdadaan oo Qalbi jab ku beertay dhamaan Ehelada Marxuumka iyo Ummada Soomaaliyeed ee aqoonta durugsan u leh Marxuumka

Arrintaan ayaa wax aan la qaadan karin ku noqotay Ummada soomaalyeed ka dib marki Radio Muqdisho oo ah Warbaahinta dowlada laga baahiyay in dadkii Madaafiicda aan loo meel dayin lagu laayay lagu tilmaamo in ay ahaayeen Hor joogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Waxaa nasiib daro ah in Dowlada Federalka KMG ah oo masuuliyad ka saaran tahay badbaada shacabka Soomaaliyeed , halkii looga baahnaa badbaada shacabka ay Xasuuq u gaystaan ka dibna ku tilmaamaan QAWAARIIJ ( AL-SHABAAB)

Taas oo meel dhac ku ah Dowlada , isla markaana dhibaato loogu gaysanyo Shacabka aan waxba galabsan

Habada waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee Wanaaga jecel in ay ka dhiidhiyaan dhibaata joogta ah ee lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed


Dhinaca kale waxaa War saxaafadeedkaa looga codsay in Wasaarada Warfaahinta ee Dowlada Federal KMG ahi iyo Maamulka Radio Muqdisho ay faah faahin ka bixiyaan in ay dad aan waxba galabsan ku tilmaamaan Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Jaalliyada Soomaalida Uk waxaa kale oo ay warsaxaafadeedkaan kaga hadleen Taariikh Nololeedkii Marxuun Engineer Xaashi Xirsi Maalin (Laba-Jir)

Iyadoo Marxuumku ahaa Shaqsi aan ka mid noqon Ururada ku hertamaya Dalka Soomaaliya iyo Dowladaba . Wuxuuna shaqadiisu ahayd 20 sanno ee ugu dambeeyay Madaxa Biyo Galinta Gobolada dhexe ee Soomaliya ,
Marxuumku wuxuu usoo shaqeeyay Hay'addaha Gar gaarka sida ICRC, CHESBO , IYO MSF SPAIN oo illaa iyo hada ahaa Madaxa Biyo Galinta Gobollada dhexe ee Soomaliya

Sidaa ay ogsoon yihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaa la yaab ah in Shaqsi nuucaasi oo kale ah lagu tilmaamo Horjooge ka tirsan shabaab iyadoo lawada ogsoon yahay in Shaqaalaha Hay'addaha Gar-gaarka ayba ugaarsadaan Ururka dowladu ku sheegtey marxuunka in uu ka tirsanaa

Ugu dambayntii waxaa Dowlada iyo Wasaaradeeda warfaafintaba laga doonayaa in ay Cadeeyaan sababta dhalisay in shacab aan waxba Galabsan Xasuuq loo gaysto kadibna laga baahiyo Warbaahinta dowlada in ay laayeen Madax ka tirsan Ururka ay dagaalka kula jiraan .
by Soomaaliwayn Team